Wararka laga helayo dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax miino lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaatka Calooshood u shaqeystayaasha ay tababartay dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta.
Qaraxa lagu dilay sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Mandiqadda Mowdiyah ee gobalka Abyan ee Konfurta dalka Yemen,iyadoona faahfaahino laga helayo qaraxaasi.
Sarkaalka oo lala dilay tiro askar ah ayaa la xaqiijiyay in xilliga qaraxa lala beegsanayay uu ku mashquul sanaay howlgalo baaritaano ah oo ay ka wadeen deegaanka Mowdiyah.
Mas,uuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaalka iyo askartii la socotay waxaa sheegtay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee dalka Yemen ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab.
Calamada.com