Wararka laga helayo dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Dhaalibaan ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ay la wareegeen degmooyin Muhiim ah.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa dagaallo culus kadib si buuxda ula wareegan gacan ku heynta degmooyinka Shl-gar iyo Shibkoh oo ah degmooyin istiraatiiji ah waxeyna ku kala yaalaan Bariga iyo Galbeedka dalka Afghanistan.
Dagaalka ciidamada Mujaahidiinta ay kula wareegeen gacan ku heynta degmada Shalgar waxaa lagu daahfuray Camaliyad Istish-haadiyo ah uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Kabiitada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Camaliyadda oo loo adeegsaday gaar Xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu Istish-haadiga bartamaha kala galay dhismaha xarunta maamulka ee degmada waxaa la xaqiijiyay in gabi ahaan dhismahaasi dhulka lala simay.
Camaliyadda kadib waxaa degmada Weerar ku qaaday ciidamada Mujaahidiinta iyagoona degmada kasoo galay dhowr jiha,waxaa gudaha degmada ka dhacay dagaal culus oo muddo kooban socday.
Ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada,dagaalka inta uu socday waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Kaabul ee lagala wareegay gacan ku heynta degmadaasi.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah Afghanistan ayaa dagaal culus oo loo adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ku qaaday degmada Shibkoh ee gobalka Farah ee Galbeedka dalka Afghanistan.
Weerarkan waxey ciidamada Mujaahidiinta sigaar ah ugu qaadeen difaacyada maleeshiyaatka Ashraf Gani ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada,iyadoona dagaalkan uu socday muddo Saddex saac oo xiriir ah.
Dagaalkan waxaa lagu dilay Tobaneeyo ka tirsan saraakiisha iyo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul ugu magacawnaay degmada Shibkoh,waxeyna ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Ciidamada Imaarada Islaamiga ee la wareegay degmada Shibkoh ayaa gacanta ku dhigay bakhaarkii hubka degmada iyo saanad kale oo ay degmada kaga carareen maleeshiyaatka Ashraf Gani.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan dagaal xoogan kula wareegeen gacan ku heynta magaalada Istiraatiijiga ah ee Macruuf oo ka tirsan gobalka Qandahaar ee dalka Afghanistan.
Calamada.com