Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saaka weerar xoog ku gal ah lagula jarmaaday xero ciidan oo ku taala gobalka Abyan ee Konfurta dalka Yemen.
Weerarkan xoog ku galka ah waxaa si gaar ah loogu qaaday xero ciidan oo maleeshiyaatka Calooshood u shaqeystayaasha ay tababartay dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta ay ka sameysteen deegaanka Mowdiyah ee gobalka Abyan.
Weerarkan ayaa lagu daah furay Camaliyad Istish-haadiyo ah uu fuliyay ruux ka xeynayay gaari miineysan kaasi oo bartamaha ka galay xeradaasi ciidan waxeyna Camaliyaddan burburisay inta badan dhisamaha xirada.
Camaliyadda kadib waxaa xerada xoog ku galay Rag Ingimaasiyiin ah kuwaasi oo toogasho ku bilaabay maleeshiyaatkii ku sugnaay xerada ee ka badbaaday Camaliyadda lagu daahfuray weerarkaasi xoog ku galka ah.
Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa sheegtay mas,uuliyadda weerarka xoog ku galka ah ee xilligaan ka socda xerada ciidan ee ku taala deegaanka Mowdiyah ee gobalka Abyan.
Warbaahinada Yemen iyo kuwa caalamka ayaa si hordhac ah u baahiyay in tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaatka Calooshood u shaqeystayaasha Imaaraatka Carabta tababartay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka culus ee ka socda xerada ciidan ee gobalka Abyan.
Calamada.com