Saraakiil ka tirsan booliiska dalka Niger oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaaciyay in 13 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska lagu dilay weerar ka dhacay wuqooyi bari dalkaas.
Sida Booliisku sheegayaan, qof watay jaakad qaraxda ayaa magaalada Medaguuri ku dilay 13 Askari oo Booliis ah, iyadoona ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.
Waa weerarkii ugu xooganaa oo bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay dalka Naijeeriya oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Xukuumadda dalkaas iyo Jamaacaad kasoo horjeeda jiritaanka dowladda uu hogaamiyo Bukhaari.
Jamaacada U Gargaaridda Islaamka Iyo Muslimiinta ayaa inta badan weeraro culus ka fuliya dalalka dhaca Galbeedka qaaradda Afrika waxeyna Jamaacadaan taabacsantahay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Bilaadul Magribul Islam.