Maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada ayaa isku dilay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho,iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababta ay u dagaalameen maleeshiyaatka.
Ugu yaraan 4 Askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor’imaadyo ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Goob joogayaal ayaa sheegay in taliye katirsan sirdoonka Dowladda Federaalka lagu dhax dilay gudaha xarunta degmada Yaaqshiid kadibna ciidamo melleteriga katirsan ayaa sedax askari ku dilay gudaha Suuq Bacaad taas oo wadarta guud ee dhimashada ka dhigaysa 4 Askari.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay qaab beeleed udagaallamayaan iyadoona xiisada colaadeed oo ciidamada dhaxdooda ah lagasoo sheegayo degmada Yaaqshiid sida ay sheegayaan dadka deegaanka.