Weerar qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona faahfaahino laga helayo dilka sarkaalkaasi.
Sarkaalkan oo sigaar ah uga tirsan wasaaradda Maaliyadda qeybta waxa loogu yeero Canshuuraha ee shacabka ka qaada Lacagaha Baadda ah ayaa lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Caddani, wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha firfircoon ee ka shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka.
Rag hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay Tabeellaha Sheykh Ibraahim oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho inta aan la gaarin Garasbaallay.
Dilka Saraakiisha iyo Xubnaha la shaqeeya dowladda Ridada ayaa kusoo badanaya gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho waxaana dilka Caddaani fuliyay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.