Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Mareykanka oo ku socdaalayay duleedka magaalada Meydan Shahar oo ah xarunta gobalka Meydaan Work ee bartamaha dalka Afghanistan.
Qaraxa oo ahaa miinida dhulka lagu aaso waxey la kacday gaari gaashaaman oo ay la socdeen askarta Mareykanka,iyadoona gabi ahaan uu burburay gaariga ay miinada haleeshay.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in sidoo kale qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Lix askari American ah oo la socotay gaariga gaashaaman ee miinada ay burburisay.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa saacada kadib markii guutada Madaafiicda Imaarada Islaamiga Afghanistan ay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga degmada Bagram ee gobalka Barwaan ee Waqooyga Afghanistan kaasi oo ah saldhiga ugu weyn Nasaarada Mareykanku ay ka sameysteen dalkaasi.
Labo Maalin ka hor ayeey aheed markii Saddex iyo Toban askari American ah lagu dilay weerar xoog ku gal ah oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Gambari Dak ee gobalka Lugman ee Bariga Afghanistan.
Tirikoob la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in bishii dhamaatay ee Muxaram gudaha Afghanistan lagu dilay Afartan Lix askari oo American ah laguna dhaawacay Toban iyo Todobo askari oo isla ciidanka Mareykanka ah kadib howlgalo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah dalka Afghanistan.
Calamada.com