Saraakiil melleteri oo katirsan wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Nasaarada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in boqolaal ka tirsan ciidamada xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan oo tababaro uga socday gudaha wadanka Mareykanka ay ka goosteen tababarka.
Wararka ka imaanaya gudaha Mareykanka ayaa sheegaya in boqolaal askar iyo saraakiil ay isaga firxadeen mucaskaraatka tababarka uga socday ee gobolka Florida wadanka Mareykanka, warbixin uu soo saaray guddiga dib udhiska Afghanistan ayaa lagu sheegay in 320 askar iyo saraakiil ah oo tababar loogu qaaday Mareykanka ay ka carareen xeryaha tababarka iyagoo magengelyo weydiistay laamaha socdaalka Mareykanka.
Madaxa baarista guddiga ayaa warbaahinta usheegay in canaasirta booliska ay u badanyihiin saraakiisha ka firxaday xeryaha Booliska wuxuuna ku baaqay in dabagal lagu sameeyo sababta keentay in ciidamadii latababaray ay magengelyo weydiistaan Mareykanka.
Warbixintan cusub waxay daaha ka feydaysaa in 47% ciidamada xukuumadda Afghanistan ee dibadda loo qaaday ay ka tageen shaqada waxaana loo sababeeyay in ay ka baqayaan in lagu laayo weerarada Taliban ay ka waddo wadankaasi.
Guddiga dib udhiska wadanka Afghanistan oo hoostaga isbahaysiga NATO ayaa ka sheeganaya mooraal xumo aad usarraysa oo kajirta sufuufta askarta iyo saraakiisha latababaray.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa xaqiijisay in boqolaal dagaalyahan oo tababarro dibadda loogu qaaday ay shaqada ka carareen waxayna eedayn ujeedisay saraakiisha xukuumadda Afghanistan.
“sare ukaca ku imaanaya askarta iyo saraakiisha magengelya doonka ah ee ka baxsanaya tababarka waa wax aad usarreeya mana ahan wax la aqbali karo sababta ugu weyn ee ciidamadu tababarrada uga firxanayaan ayaa ah xaddiiga cunfiga iyo dagaallada ay argagaxisada Taliban ka waddo wadanka Afghanistan iyo sidoo kale khasaaraha lixaadka leh ee ciidanka qaranka kasoo gaaraya dagaallada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
16 sanadood oo xiriir ah ayuu dagaal faraha looga gubtay ka socdaa wadanka Afghanistan waxaana xusid mudan in intabadan ciidamadii Ajanbiga ahaa ee duullaanka saliibiga Afghanistan ka qeyb qaatay isaga baxeen wadanka marka laga reebo 13-kun ciidamo Mareykan ah oo dalka Afghanistan ku sugan.