Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhig maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Axmed Madoobe ay ka sameysteen deegaan hoostaga magaaladaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan Guutada Madaafiicda waxey Tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta qaar u xaqiijiyeen in Madaafiicda ay gudaha u galeen saldhiga iyo difaacyada Maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ayna jirto khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka Axmed Madoobe kasoo gaartay duqeyntaasi.
Maalintii shalay ayeey aheed markii weerar qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen duleedka deegaanka Buulo gaduud ay ku dileen Sideed askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Axmed Madoobe kuwaasi oo Afar ka mid ah meydadkooda lagu soo bandhigay magaalada Jilib.
Calamada.com