Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa goordhow lagu toogtay sarkaal sare oo katirsan ciidamadda Maranezka badda ee dowladda federaalka.
Sarkaalka la dilay oo Jagadiisa ay tahay Gaashaanle sare waxaa magaciisa lagu soo koobay Cartan, waxaana lagu dilay Xaafadda Suuq-bacaad degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ciidamo katirsan kuwa qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa dilka geystay, waxaana uu noqonayaa sarkaalkii ugu dambeeyey ee lagu dilo magaalada caasimadda ah.
Maalmihii tagay waxaa Muqdisho kusoo kordhayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saraakiisha, ciidamada iyo Xubnaha dowladda, kuwaas oo ay beegsaneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.