Warar hordhac ah ayaa laga helayaa dagaalka galay Saacadii Saddex-aad ee sida tooska ah uga socday hoteelka Naasa Hablood Labo oo ah hoteel ay deganyihiin xubno ka tirsan dowlada Ridada kuna dhaw xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Wararka laga helayo hoteelka waxey sheegayaan in Tobaneeyo ka tirsan saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlad Farmaajo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka culus ee ka socda Hoteel Naasa Hablood Labo.
Xubnaha lagu dilay weerarka waxaa ka mid ah taliyaha saldhiga degmada Dayniile ninka lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Nuur oo ku magacdheer Fanax Xagaleey kaasi oo ah ninka uu sawirkiisa hoos idiin kaga muuqanayo.
Sidoo kale waxaa weerarkan hadda socda xubnaha lagu dilay ka mid ah Cabdi Naasir Gaarane oo ah xildhibaan hore oo dowlada Ridada ah,sidoo kale saraakiil ka tirsan nabad sugidda ayaa lagu dilay weerarkaan ka socda hoteel Naasa Hablood Labo.
Qarax Labaad oo Camaliyad Istish-haadiyo ah ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Nabadsugida kuwaasi oo gurmad u ahaa xubnaha dowlada ee ku go,doonsan hoteelka iyo maleeshiyaatka dowlada ee ka dagaalamayo banaanka hoteelka.
Camaliyaddan Labaad ayaa sababtay inuu fashilma gurmadka Maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka waxeyna camaliyadda sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maleeshiyaatkii gurmadka ahaa.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.