Waxaa la helayaa magacyada Mas’uuliyiin iyo Saraakiil sar sare oo ku dhimatay howlgalkii Istish-haadiyada iyo Inqimaasiayda isugu jiray ee ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen casir liiqii shalay hotel Naashablood 2 oo u dhow xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhintay Weerarkan oo kor u dhaafaya 50 Ruux, waxay isugu jiraan Mas’uuliyiin dowladeed, Saraakiil sar sare oo ciidan, Xillibaanno horey, iyo kuwa kale.
Idaacadda Al-Furqaan waxay heshay qaar kamid ah magacayada Xubnihii kala duwanaa ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarka Naashablood 2.
Xubnaha Ku dhintay Howlgalka waxa kamid ah:
1. Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.
2. Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay 10 ilaaladiisa ah.
3. Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.
4. Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.
5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.
6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.
7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.
8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.
9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta Bari oo ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis., waxaana xusid mudan inuu hogaaminayay ciidamada Dowladda ee dagaalka la galay ciidamada Mujaahidiinta ee la wareegay hotel Naashablood2.
10. Cumar Boonkeey oo ahaa Waziiru dowlaha Qorsheynta & Dib u dhiska maamulka Koonfur Galbeed.
11. General Cabdi Raxmaan Khaliif Dhicis oo ahaa La Taliyaha Abaanduulaha ciidamada dowladda federaalka.
12. Cabdi Faarax, Duqii hore ee magaalada Baladweyne, wuxuuna hadda xil ka raadsanayay maamulka Hirshabeelle.
13- Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jira 3 Ruux oo Turki ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka ku sugnaa hotel Naasahablood 2.
Dhaawacyada Inta Magacyadooda la hayo:
1. Shariif Cabdi Cali oo ahaa Taliyaha howlgelinta kooxda Alpha Group o ah Malleeshiyaad Maraykanka u shaqeeya.
2. Cumar Cabdalla, (Burunteey) oo ahaa Abaanduulaha guud ee Ciidamada Alpha Group.
3. Maxamed Xasan oo ahaa Taliyaha guutada Waran.
4. Fanax, Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Kaxda.
5. Laba Ruux oo Turki ah ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay howlgalkii weynaa ee Naasahablood 2.
Nin ibliis la heshiiyey
Hiile gaalka ka doon tay
Rabigay ma hanuun shee
Libna soo helimaayee
Hanan maayo dhulkaygee
Naftiisuu afrayaa yoo
Hamigiisa dartiis buu
Ku hantaataca yaayee
Hufka siiye islaamku
Haawaydii nagu duushay
Hurimayso kufaartu
Inuu Eebahay hoojay
Hilbahooda dhurwaagiyo
Haadaa loo warayaayee
Haaway daa kiristaan kiyo
Huwantii nagu duushay
Halaag baa u dambee yoo
Hilaal koodu dhacyoo
Nabad soo hoyin waaye
Halakay maanta marayso
Rag naftoodi huraa
Hindiseeyey dagaal kee
Rabow noogu hagaaji
Hadaf keena run taa iyo
Yoolka aan higsanayno
ما شاءالله اللهمب بارك لهم
alx alle ayaa mahadleh allihii waa fajiyay ragii galy hotel naas hablood2