Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro qorsheysan ku qaadeen saldhigyo iyo isbaarooyin ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Ridada Jabuuti iyo kuwa maamulka Farmaajo waxeyna dagaaladaasi ka kala dhaceen Konfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.
Dagaalka Kowaad waxa uu ka dhacay degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia,iyadoona dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si gaar ah u beegsaday saldhiga ciidamada Jabuuti ee Buundada degmada Buulo burte waxaana dagaalkan oo ahaa mid culus socday muddo.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ciidamada Ridada Jabuuti lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay Buulo burte dhawaaqa rasaasta dagaalkan waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan.
Dhanka kale dagaalka Labaad ayaa ka dhacay deegaan hoostaga degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia kaasi oo lagu qaaday isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen deegaankaasi.
Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa xalay weerar culus ku qaaday isbaaro maleshiyaad ka tirsan murtadiinta ay dhigteen deegaanka Golweyn halkaas oo ay ku dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaasi.
Dagaalka oo ahaa mid ad u culus ayaa ku bilowday hubka fudud iyo kuwa culus waxaana goobta lagu hardamayay in muddo ah,ciidanka Mujaahidiinta ayaa ku guuleystay inay kala ceyriyaan maleeshiyaadkii jidgooyada u tiillay,waxeyna in muddo ah ciidamada Mujaahidiinta ku sugnaayeen goobtaasi.