Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in weerar ah Camaliyad Istish-haadiyo ay ka dhacday deegaan ka tirsan gobalka Saman-jan oo ah gobal dhaca dhanka Waqooyi ee dalkaasi.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxaa lala beegsaday kolanyo uu la socday taliyaha maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Ashraf Gani ugu magacaaban degmada Qalcah-zaal ee gobalka Qunduuz oo isna ah gobal dhaca dhanka Waqooyi ee Afghanistan.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayuu ku xusay in Camaliyaddan oo qeyb ka ah howlgalka Al-mansuuriyah uu fuliyay Mujaahid lagu magacaabo Cabdullaahi kana tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Qoraalkan ayaa lagu cadeeyay in Camaliyadda lagu dilay tiro maleeshiyaat ah laguna dhaawacay taliyaha la beegsaday kaasi oo la sheegay in dhaawiciisa uu culusyahay.
Bayaanka Imaarada ayaa lagu cadeeyay in sarkaalka la beegsaday uu ka mid yahay saraakiisha sida gaarka ah ula shaqeysa ciidamada Nasaarada Mareykanka ee duulaanka ku joogta Afghanistan kana mas,uul ahaa weeraro ciidamada Mareykanka ay ku dileen dad fara badan oo shacab ah kuwaasi oo ka dhacay dhanka Waqooyi ee Afghanistan.
Halkan Ka Doono Qoraalka Afhayeenka Imaarada.
Calamada.com