Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somaliya waxey sheegayaan in weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Weerar Dhabba gal ah waxay u dhigeen Askar katirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kamiinka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde ee gobolka Bakool, waxaana ku dhacay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiyaanka la shaqeeya.
Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan ciidamada Jidka loo galay ayaa la dilay, halka la gubay gaari Cabdi bile ah oo ay wateen.
Xigasho Radioalfurqaan.
Calamada.com