Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay iscasilaaddii uu ku dhaqaaqay R/wasaarihii xukuumadda Dabadhilifka Lubnaan Sacad Alxariiri.
Kalimad uu ka jeediyay Telefeshinka xukuumadda Sacuudiga ayuu Sacad Alxariiri ku sheegay in naftiisu halis gashay sidaas daraadeedna uu isaga tagay shaqadii uu hayay xukuumadda Lubnaan.
R/wasaaraha iscasilay ayaa dowladda shiicada iiraan ku eedeeyay in ay inqilaab ku qabsatay wadanka Lubnaan islamarkaana ay socdaan wax lamid ah dhacdooyinkii magaalada Beyruut ka dhacay sanaddii 2005, xilligaas oo Ururka Xisbullaah uu Dilay Rafiiq Alxariiri oo ah aabaha Ninka maanta iscasilay.
“halis ayay gashay nafteyda waxa Lubnaan ka socdana waxay lamid yihiin dhacdooyinkii dhacay sanaddii 2005 xilligaas oo ladilay Rafiiq Al-Xiriiri” ayuu yiri Sacad.
Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in dhowr maalin ka hor uu halis dhanka amniga ah galay R/wasaaraha iscasilay kadib markii rasaas la huwiyay kolonyadii uu la socday balse waxaa arrinkaasi beeniyay wasaaradda ammaanka Lubnaan.
Ururka Xisbullaah ayaa lagu eedeeyay in uu cadaadis xooggan oo dhanka siyaasadd ah Saaray Alxiriiri oo markii hore ay dowladda Sacuudiga usoo xulatay hoggaaminta golaha wasiirrada Lubnaan.
R/wasaaraha Yahuudda oo hadlay ayaa sheegay in iscasilaadda Xiriiri ay tahay farriin caalamka udirayso in Lubnaan laga saaro Ururka Xisbullah isku magacaabay kaasi oo iiraan taabacsan islamarkaana ah awoodda looga heybaysto Lubnaan.
Miishaal Cown oo ah Madaxweynaha Lubnaan ayaa isna walaac ka muujiyay iscasilaadda R/wasaare Xiriiri isagoo isugu yeeray golaha baarlamaanka wadankaasi si ay xaaladda usoo farageliyaan.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dowladda Sacuudiga oo bilihii lasoo dhaafay isbedel ku sameynaysay siyaasadeeda gudaha iyo dibadda ee ay Iiraan ku cadaadinayso jabhadda Lubnaan waxaana tallaabadan loo arkaa in Sacuudigu cadaadis dheeri ah saarayo xukuumadda Tahran.
Xigasho Somalimemo.net
Calamada.com