Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka da,ay Roob xoogan oo muddo socday kaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.
Gu,gaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaano badan oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho waana Roob siweyn loo wada sugayay.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleel daran balse saaka Jawiga magaalada waa mid Qabow ah waxaana wadooyinka qaar fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da,ay magaalada.
Dhanka kale Ku dhawaad Shan Caruur ah oo ka mid ah Barakacayaasha ku dhaqan gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday Roobka xoogan ee xalay ka da,ay magaalada Muqdisho.
Xilli Roobaadka xilliga Deyrta ayaa si toos ah kaga curtay guud ahaan gobalada dalka Somaliya kaasi oo siweyn ay ugu duursadeen dadka iyo Duunyada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.