Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar kamiin ah oo lagu qaaday gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan Police-ka Kenya oo ku socdaalayey wadada isku xirta magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ee dalka Kenya.
Weerarkan ayaa lagu qaaday laba gaari oo kuwa ciidanka ah oo galbinayey bas ka soo ambabaxay Mandheera, kuna sii jeeday magaalada Nairobi sida ay xaqiijiyeen warbaahinada dalka Kenya iyo Saraakiil u hadashay maamulka gobolka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa xaqiijisay in weerarka ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta, lana dilay in ka badan 15 ka tirsan ciidamada cadowga.
Sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta oo la hadlay Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan ciidamada Police-ka ee Xukuumada Kenya, lagana qaatay hubkooda.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale noo sheegay in mujaahidiintu ay burburiyeen labada gaari ee uu watay cadowga, islamarkaana askar fara ku tiris ah ay ka baxsatay dhabagalka.
Marka laga yimaado warka soo baxay Mujaahidiinta, Warbaahinada dalka Kenya ayaa iyagana dhankooda qiraya in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidamada Police-ka Kenya, laguna dhaawacay tiro kale iyagoo soo xiganaya dad deegaanka ah.
Waxay tilmaamayaan in weerarka uu ka dhacay meel u dhexeysa deegaanada Dabacity iyo Borehole oo ay isticmaalaan gaadiidka isaga kala gudba magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera.
Warbaahinada dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Police-ka ay wateen gawaari Land Cruiser ah, islamarkaana lagu weeraray hubka fudud iyo garneelada RPG-ga, ayna halkaas ku gubteen gabi ahaantoodba.
Sidoo kale waxay warbaahinada tilmaamayaan in la la’yahay askar dhowr ah oo ka bad-baaday weerarka kuwaas oo aanan nolol iyo geeri midna lagu heynin.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa iyagana dhankooda tilmaamaya in ay suuragal tahay in qasaaraha uu intaas ka badan karo maadama askar badan oo ka baxsatay weerarka ay ku carareen keymaha.
Ku Dhawaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Police-ka Kenya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay weerarada dhabagalka ah iyo qaraxyada mujaahidiintu ku beegsanayaan ciidamada Police-ka ee ka howlgala gobolada Lamu iyo NFD ee waqooyi-bari.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com
Talo xumo waxay kugu jirabi jabiyo hoog wayne
Jaahwareere kinyankiyo waa jabeen cadawe