Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada ee Farmaajo.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxeyna Ragga hubeysan askariga ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Mas,uuliyadda dilkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,waxa uu dilka askarigan kusoo aadayaa xilli uu geeriyooday sarkaal lagu magacaabo Xirsi kaasi oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray qarax shalay lagula beegsaday qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.