Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo weeraro dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo isugu jirta ciidamada Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Nabadsugida dowlada Ridada loogu dhigay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Basra.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in weeraradaasi lagu dilay inka badan Kow iyo Toban askari oo ay ku jiraan Askar American ah.
Sidoo kale wararka la helayo waxey sheegayaan iney jiraan tiro askar ah oo iyaguna ku dhaawacmay weerarada saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wadadaasi.
Inta badan askarta dowlada Farmaajo ee lagu dilay weeraradan dhabba galka ah waxaa lagu aasay deegaanka Xaawo Taako ee dhaca duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Diyaarado Elecobtar ah oo kasoo dagay degmada Balcad ayaa halkaasi ka daabulay Meydadka iyo dhaawacyada askarta American-ka ah.
Sidoo kale weeraradan waxaa lagu gubay Labo gaari oo ka mid ah gaadiidkii ay wateen Kolanyada la weeraray gaadiidkaasi oo ay Garneelada Garbaha laga tuura ay la heleen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Maleeshiyaatkii dowlada Ridada ee ka cararay deegaanka Basra ayaa intii ay kusii jeedeen degmada Balcad waxaa dhiiqa ka galay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen kaasi oo markii ay ku guul dareysteen iney dhiiqada ka bixiyaan ay gubeen.
Calamada.com