Ganacsade Itoobiyaan ah oo heysta dhalashada maamulka Aala-Sucuud ayaa kamid ah in kabadan 100 Ruux oo maalmihii tagay loo dhaadhiciyay Xabsiga, kadib markii lagu eedayay musuq maasuq iyo wax isadaba marin.
Ganacsadaha la xiray oo lagu magacaabo Muxamed Xasan Al-Camuudi ayaa mashaariic iyo maalgashi badan ka sameeyey dalka Itoobiya, wuxuuna kamid yahay dadka sida aadka ah dhaqaalaha ugu bixiyay mashruuca biya xireenka Al-Nahda ee dowladda Itoobiya ay wado.
Markii ugu horeysay dowladda Itoobiya ayaa si toos ah uga hadasha xiritaanka ganacsadahan, waxaana Xeyle Maryan Dicillin oo ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu sheegay iney la socdaan xiritaanka ninkaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray iney rajeynayaan in xiritaanka ganacsade Muxamed Xasan Al-Camuudi aysan wax saameyn ah ku yeelan maalgashiga iyo mashaariicda uu ka wado dalka Itoobiya.