Mas’uul katirsan maamulka isku magacaabay ‘HirShabelle’ ayaa sheegay in uu ka bad baaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen ciidamada dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in ciidamada ‘Xasilinta Caasimadda’ ay si xun ula dhaqmeen islamarkaana rasaas aan loo meel dayin ay ku fureen gaarigii uu watay oo lagu joojiyay isgoyska Sanca.
“Xalay safar ayaa Muqdisho ku soo galay, saacada marka ay aheyd lix saac, markii aan Isgoyska Sanca marayay oo aan rabay in xaafadeyda u gudbo waxaa i istaajiyay Ciidamada Xasilinta, waxay i weydiiyeen Aqoonsi ama ID CARD, waxaa u sheegay anaga Gobol ayaa jirnaa, dowlad goboleedka Hirshabeelle ka tirsanahay, wax Aqoonsi ah nalooma sameyn, waxaa Mobilkeyga ka tusiyay warqadii Digreetada aheyd ee la igu magacaabay, markaas ayaa la igu yiri askartada qoryaha ka qaad ee baaburka dhex dhig, markii intaas la i yiri ayaa askari ila socday uu hadlay, markaas ayay askartii kale rasaas nagu bilaabeen, hal askari waa iga dhintay, mid kalena waa bad baaday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mahadaay.