Taliyaha ugu sarreeya ciidanka melleteriga Zimbabwe ayaa la sheegay in muddo 24 saacadood ah uu uqabtay madaxweyne Ropert Mugabi in uu wadanka uga baxo sidaas waxaa sheegay kooxaha mucaaradka dibad joogga ah.
Gaadiid gaashaaman oo ciidanka melleterigu ay wataan ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada caasimadda ah, Mugabi ayaa talada qabtay sanadii 1987 waana madaxweynaha ugu da’da weyn caalamka.
Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ayaa la sheegay in uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo taasi oo keentay in saraakiisha xisbiga ee melleteriga katirsan ay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan ayna ku hanjabaan in ay madaxweynaha talada ka tuurayaan.
Magaalada Haraari ee caasimadda wadanka Zambabwe waxaa ka dhacay aroornimadii hore ee saaka 3 Qarax oo waaweyn, kuwaas oo aan la ogeyn waxay yihiin, iyo goobaha ay ka dheceen.
Wadooyinka magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamada milliteriga oo aad u farabadan, kuwaas oo wata gawaarida dagaalka ee Taangiyadu ku jiraan, islamarkaana koox koox u taagan dhamaan wadooyinka mara magaalada Haraari ee caasimadda wadanka Zambabwe.
Ciidamada Milleterigu waxay la wareegeen xarunta Idaacadda iyo Tvga dowladda, waxaana loo badinayaa in ciidamadu ay Afgembi doonayaan.
Dowlada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda ku sugan halkaas ugu baaqay iney Taxadaraan, islamarkaana aysan kasoo bixin guryaha iyo goobaha ay joogaan.
Maraykanka wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya dalkaas iney heshiis gaaraan, waxaana macquul ah in dowladaas ay wax badan ka ogtahay waxa soconaya.
Madaxweyne Mugabe wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidankiisa uu ku kacay khiyaano qaran, waxaana guriga uu ku jiro ku hareereysan ciidamo aad u farabadan.
Saraakiisha Milatari ee horkaceysa Afgambigan ayaa muddo 24 saac ah u qabtay in madaxweyne Ropert Mugabi dalka uga baxo.
Calamada.com