Maryan Qaasim oo aheyd wasiiraddii wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta aafooyinka ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xukuumadda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiiradda iscasishay ay wajiga ka dadbatay fashilka ay dhax muquuranayso dowladda Federaalka iyo lacago malaayiin dollar ah oo kusoo dhacay wasaaradda Gargaarka oo illaa iyo hadda lala’yahay halka ay mareen.
Waa wasiirki 2-aad ee shaqada isaga taga, horay waxaa isku casilay wasiirkii G/dhigga iyo taliyihii ciidanka Jeneraal Cirfiid.
Waziiradan ayaa sheegtay iney tahay sababta ay xilka isaga tagtay fashil xoogan iyo is dhex yaac ka dhex jirta dowlada Ridada iyo Musuqmaasuqa oo sii kordhay.
Tani waa fashil hor leh oo ay wajayso dowladda Fadhiidka Farmaajo oo waqtigeeda kulumisay igu sawir iyo ugacma hoorsiga Itoobiya iyo Mareykanka.