Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxay sheegayaan in dagaal culus oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Zeerkoow oo hoosyimaada gobolka Haraat ee galbeedka Afghanistan lagu dilay 4 Askari oo ka tirsan ciidamada Nasaarada Maraykanka.
Deegaanka waxaa ka dhacay dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday kaasi oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo kolanyo isugu jirta ciidamada Nasaarada Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul,waxaana dagaalkaasi ka dhashey khasaarahan baaxada leh ee gaaray Maraykanka.
Dhiigbaxa joogtada ah ee k u socoda ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Afghanistan ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana Imaarada Islaamiga ay ku hanjabtay in Afghanistan ay ka dhigi doonto qabuuraha Maraykanka.
Labo Maalin ka hor ayeey aheed markii Camaliyad Istish-haadiya ah oo uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga kana dhacday gobalka Qandahaar ee Konfurta dalka Afghanistan lagu dilay 14 askari oo American ah.
Calamada.com