Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada ee Farmaajo.
Dilkan waxaa loo geystay sarkaal lagu magacaabi jiray Nuur Muxamed Afeey kaasi oo sigaar ah uga tirsanaay maamulka dowlada ugu magacaaban degmada Hurwaa.
Ragga hubeysan ayaa sarkaalkan ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta sarkaalka uu ku naf baxo,waxeyna ragga dilka geystay horay usii qaateen Biskoolad uu ku hubeysanaay sarkaalka ay dileen.
Dilka Nuur Afeey waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah dowlada Farmaajo iyo gaalada soo duushay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu,Somalia.