Qaraxyo loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray saldhigyo iyo fariisimo maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan oo gaaraya illaa iyo Afar qarax waxaa lagu kala weeraray Labo qarax oo lala beegsaday xarunta degmada Yaaqshiid,sidoo kale Labada qarax ee soo hartay waxaa lagu kala weeraray Fariisimo maleeshiyaatka dowlada ay ka kala sameysteen Laanta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid iyo Xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyada waxey sheegayaan iney jiraan tiro askar oo maleeshiyaatka dowlada dhimasho iyo dhaawac kaga noqday Afarta Qarax.
Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli saacada ka hor gudaha degmada Hurwaa lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Hurwaa.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.