Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in rabshado xooggan ay halkaas ku dhaxmarayaan ciidamada maamulka Gaala raaca ee isku magacaabay ‘Somaliland’ iyo taageerayaasha kooxaha mucaaradka ah.
Maanta gelinkii dambe ayaa rasaas laga maqlay xaafado katirsan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer halkaas oo rabshado xooggan lagasoo sheegayo, wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaro taageersan Xisbiga Waddani ay qabsadeen xarumo dowladeed oo magaalada kuyaal.
Video lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad caraysan oo magaalada Burco dhax yaacaya waxayna taageerayaasha mucaaradku ka cabanayaan in lagu shubtay doorashooyinkii madaxtinimo ee 13-kii bishaan ka dhacay dhammaan deegaannada gobollada Waqooyi galbeed.
Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Burco waxey sheegayaan in Labo ruux oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxyada ka dhigayay degmada ay dhinteen kadib markii Koronta ay qabatay.
Sidoo kale magaalada Hargeysa ayaa lagasoo sheegayaa xiisada colaadeed oo aad udaran, maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo kasoo horjeedo Xisbiga Kulmiye ayaa lagasoo sheegayaa dhowr gobol oo katirsan deegaanka loo yaqaan ‘Somalland’.
Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay wada shaqeyntii kala dhaxaysay guddiga doorashooyinka isagoo ku eedeeyay in ay iska dhega tireen cabashooyin ay gudbiyeen oo ku aadanaa kushubashooyin ka dhacay goobaha doorashooyinka.