Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Rabshado xoogan oo ka bilowday deegaanada dhaca Waqooyga Somaliya gaar ahaan qeybaha uu ka arimiyo maamulka gaala shaaca ee isku magacaabay Somaliland.
Rabshadaha ugu xoogan ee sababay dhimashada iyo dhaawaca waxa uu ka jiraan degmada Burco ee xarunta gobalka Togdheer,waxaa gudaha degmadaasi isku dhacay dad dibad baxyo dhigayay oo taageersan Mucaaradka iyo maleeshiyaatka maamulkaasi ee ku sugan gudaha degmada Burco.
Inta la xaqiijiyay iska hor,imaadka iyo Rabshadah ka jira degmada Burco waxaa ku dhintay Shan ruux waxaana ku dhaawacmay Kow iyo Labaatan Ruux,iyadoona dad fara badan oo careysan ay dhagaxaan iyo Taayeero ku jareen wadooyinka Burco.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta.
Calamada.com