Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha Maxkamada WI Mudug ayaa waxey Wilaayada Diyo u kala qaaday Labo Jufo oo ka tirsan beesha Ceyr ee Habar gidir kuwaasi oo horay dad iska dilay.
Jufooyinkan kala ah Xasan Samadoorte iyo Yabdhaale ayaa diyo ku kala qaatay Magaalada Xarardheere markii maxkamada ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Mudug ay u kala xukuntay beelahaasi.
Diyada waxaa lagu yeeshay Jufada Xasan Samadoorte oo horay dil ugu geystay qof kasoo jeeda Jufada kale ee ay walaalaha yihiin ee Yabadhaale iyadoo Waliyu damka qofkii la dilay uu diyada ka qaatay maxkamada ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Wilaayada Mudug .
Gogashii diyada lagu kala qaadanayey waxaa goob joog ahaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada jufo kuwaas oo goobta ka sheegay sida ay ugu qanacsanyihiin xukunka Shareecada Islaamka.
Halkan Ka Dhageyso Munaasabadii Diyada Lagu Kala Qaatay.
Calamada.com