Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in maleeshiyaatka Puntland si bareer ah qof shacab ah ugu dileen magaaladaasi.
Qofka ay dileen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ayaa ahaa qof madaxa looga jiray kaasi oo caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Konfureed ee magaaladaasi.
Maleeshiyaatka Puntland ayaa qofkan xanuunsan ku toogtay dhanka Waqooyi ee magaalada kaasi oo xilligaas kasoo gudbay dhanka Konfureed ee magaaladaasi.
Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Konfureed ee magaaladaasi ayaa sheegay in dhacdadaan qeyb ay ka tahay dhibaatooyinka joogtada ah ee ay kala kumaan maleeshiyaatka maamulka dowlada Itoobiya dhisatay ee Puntland.
Calamada.com