Qarax culus ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Isbitaalka xooga iyo Isgoyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxeyna Miinada haleeshay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Farmaajo oo goobta lugeynayay.
Goob-jooga ka agdhawaa goobta qaraxa waxa uu warbaahinta u xaqiijiyay inuu arkay Saddex askari oo ka tirsan dowlada oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.
Maalmihii iyo Habeenadii u dambeeyay waxaa gudaha Muqdisho ka dhacay dilal,dagaallo iyo qaraxyo lala beegsaday maleeshiyaat iyo xubno ka tirsan dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.