Wararka laga helayo deegaanka Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay duleedka deegaankaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ay ka sameysteen duleedka deegaankaasi.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud,waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in dagaalka uu socday muddo saacad ah.
Ugu dambeyntii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saldhiga,iyadoona halkaasi ay isaga carareen maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe ee horay ugu sugnaay saldhigaasi.
Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka Axmed Madoobe lagu gaarsiiyay dagaalka mana jirin wax gurmad ah oo maleeshiyaatka maamulka Jubbo-land inta dagaalka uu socday ay ka haleen ciidamada Nasaarada Kenya.
Calamada.com