Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay iska hor,imaad dhex maray maleeshiyaat kala taabacsan maamulada gaala raacyada ah ee Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka oo xooggiisu ka dhacay suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay ugu yaraan Afar qof oo isugu jira dad shacab ah iyo maleeshiyaatkii dagaallamay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamay ay isku adeegsadeen gaadiidka Tikinikada, khasaaraha ugu daran waxaa geystay madaafiic lagu garaacay suuqa weyn ee Gaalkacyo.
Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo ka dhacaan magaalada Gaalkacyo, maamullada ka jira Koonfurta iyo Waqooyiga ayaa qaab beeleed ukala qeybsama waxayna isku hayaan gacan ku heynta kaabayaasha dhaqaalaha sida koontaroollada iyo suuqyada.