Iska hor,imaad sababay khasaara nafeet waxa uu maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada ku dhexmaray gudaha magaaladan Muqdisho,iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan iska hor imaadka.
Maleeshiyaatka Milatariga iyo kuwa Nabadsugida dowlada Farmaajo ayaa ku wada dagaalamay gudaha degmada Waabari waxa uu iska hor,imaadkan sababay dhaawacyo soo gaaray maleeshiyaatkii wada dagaalamay.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen saraakiishii horkaceysay maleeshiyaatka murankaasi oo ugu dambeyntii sababay iney diriraan.
Goob-jooge ka agdhawaa goobta ayaa xaqiijiyay inuu arkay dhaawacyada Saddex askari oo ka mid ah maleeshiyaatkii goobta ku diriray,waxeyna warar hoose sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badankaro.
Maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda diriraan oo ay iska dilaan askar iyo saraakiil.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu,Somalia.