Wararka ka imaanaya dalka Maali waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi ay ka dhaceen weeraro xiriir ah kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Weerarka Kowaad waxa lala beegsaday Kolanyo Soddon gaari ka koobneed oo ku sugneed magaalada Manika oo ah magaalo dhacda Waqooy Bari dalka Maali gaar ahaan Xuduuda dalkaasi uu la wadaago dalka Niger.
Weerarkan waxaa lagu dilay Shan askari waxaana lagu dhaawacay Lix iyo Toban askari kuwaasi oo isugu jira ciidamada Gaalada Midowday ee duulaanka ku jooga dalka Maali iyo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Maali.
Weerarka Labaad waxa uu ka dhacay deegaanka Edwinza oo ah deegaan kala bara Waqooyga iyo Konfurta dalka Maali,weerarkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shan askari oo ka tirsan Isbaheysiga ku duulay dalkaasi.
Sidoo kale Labo weerar oo ka kala dhacay deegaano ka kala tirsan gobalada Mobti iyo Gawa ee dalka Maali waxaa lagu burburiyay gaari ciidan waxaana lagu dilay Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Xukuumada Maqaar saarka ah ee Maali.
Weeraradan khasaarah badan lagu gaarsiiyay ciidamada Huwan iyo kuwa maamulka daba dhilifka Maali waxaa mas,uuliyadooda sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada U Nusreynta Islaamka iyo Muslimiinta oo ah Jamaaco taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islaam.
Mu,asasada Az-zallaaqah ee garabka warbaahineed ee Mujaahidiinta U Gargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayaa baahisay qoraalo ay ku faahfaahineyso weeraradaasi.
Halkan Ka Doono Qoraalada Az-zallaaqah.
Calamada.com