Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada xukuumadda dabadhilifka Suudaan iyo xoogag fallaaga ah ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Daarfoor ee wadanka Suudaan.
Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof oo isugu jira ciidamada dowladda iyo xoogag deegaanka ay ku dhinteen dagaallo aad uculus oo qarxay deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay wadaagaan Suudaan iyo Liibiya.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada loogu magac daray “Taageerada degdegga ah” ee xukuumadda Suudaan taabacsan ay qaadeen howlgal melleteri oo ka dhan xoogaga ilaala xuduudaha oo horay isbahaysi ula ahaa dowladda Suudaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladu ay sababeen dhimashada ugu yaraan 70 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah iyadoona ciidamada dowladda sudan ay gacanta ku dhigeen Nin lagu magacaabo Muuse Hilaal oo ahaa Hoggaamiyihii Maleeshiyada lagu magacaabo Janjawiidka oo 10-kii sanadood ee lasoo dhaafay ay isbaheysi ahaayeen xukuumadda Albashiir.
Afhayeen u hadlay taliska ciidanka Nidaamka Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku qaadeen ciidamada loogu yeeray ilaalinta xuduudda uu yimid kadib markii ay diideen in ay hubka wareejiyaan.
Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay degmada Almustariixah oo katirsan wilaayada waqooyiga Daarfoor, saraakiil u hadlay hoggaamiyaasha qabaa’illada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka dhacay uu waacusub ufurayo loolanka kajira Daarfoor.
Maleeshiyaadka loo yaqaan Janjawiidka ayaa ka qeyb qaatay dagaal lagu tilmaamay gummaad oo sanaddii 2003 ka bilaawday gobolka Daarfoor waxayna reergalbeedku ku eedeeyeen xukuumadda Khurduum in maleeshiyaadkan ay u adeegsanayso daminta kooxaha mucaaradka hubeysan ee wadankaasi ka dagaallama.