Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Dagaalka waxa uu sigaar ah u dhexmaray maleeshiyaat uu la socday gudoomiyaha Murtadiinta ugu magacaaban gobalka Hiiraan ninka lagu magacaabo Cali Jayte iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale kolanyada uu la socday Cali Jayte waxaa socdaalka ku wehlinayay sarkaal ka tirsan Murtadiinta oo lagu magacaabo Tareedisho,iyadoona gudoomiyaha iyo sarkaalka ay si dirqi ah ku badbaadeen.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay iney arkeen meydadka Saddex askari oo maleeshiyaatka dowlada ah iyo gaari Noha ah oo laga gubay kolanyadii uu la socday gudoomiyaha Hiiraan.
Sidoo kale wararka la helayo waxey intaasi ku darayaan in tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada lagu dhaawacay dagaalkaasi ka dhacay duleedka degmada Matabaan.
Calamada.com