Wararka ka imaanaya dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalkaasi lagu dilay dhowr qof oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.
Deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Konfur Afrika waxey koox Burcad Konfur Afrikan ah ku dileen Wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ka shaqeysata dalkaasi.
Axmed Shire Nuur oo ku magacdheeraa (Miig shire) ayeey kooxaha Burcadda ah dileen xilli uu ku sii jeeday goobtiisa ganacsi oo ku taala duleedka magaalada Cape Town,iyadoona Kooxda Burcadda ah ay doonayeen iney dhacaan hanti ruuxaasi ganacsdaha Soomaliyeed ah u saarneed gaarigiisa.
Dilkan waxa uu kusoo aadaya xilli Maalmo ka hor deegaanka Voslooris ee Dalka Koofur Afrika lagu dilay Labo Wiil oo isla dhashay kana mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka xamaasha dalkaasi.
Cumar Salaad iyo Liibaan Salaad oo ah Labada wiil ee walaalaha ah ayeey Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ku dhex dileen goob ganacsi oo wiilashaas ay ku lahaayeen deegaanka Voslooris ee dalkaasi.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga qeybihiisa kala duwan ku leh dalka Konfur Afrika ayaa la kulmo dil,Gubis iyo dhac xoogan oo ay kala kumaan Kooxaha Burcad Konfur Afrikan ah.
Calamada.com