Wararka ka imaanaya wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sanada ah ku noolaa wadankaasi.
Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in Rasaas toos ah lagu dilay wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xirsi, muwaadinkan ladilay ayaa kamid ahaa shacabka kunool magaalada London.
Mas’uuliyiin u hadashay Jaaliyadda Soomaalida UK ayaa iyana xaqiijiyay in rasaas uu ridayay ruux hubeysan ay qeybaha sare ee Jirka ka haleeshay Max’med Xirsi.
Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadamada Gaalada ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan sida Xabsi iyo dilal Bareer ah.