Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Rasaas si bareer ah askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada ugu furay dad shacab ah oo ku sugnaay agagaarka isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ah oo mid Haweeney tahay kuwaasi oo la xaqiijiyay iney qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Dadka shacabka ee rasaastaasi ku dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka,iyadoona dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ay arintaasi si weyn uga naxeen.
Dhacdadan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka maleeshiyaatka dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ay u geystaan dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.