Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen fariisimaha ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen mid ka mid ah degmooyinka gobalka Jubbada hoose.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah uga dhacay degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose waxaa dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Dadka degmada dhankooda waxey sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus balse aan la sheegi karin khasaara ciidamada gaalada Kenya iyo kuwa maamulka Murtad Axmed Madoobe kasoo gaartay dagaalkaasi.
Ciidamada Kenya oo ka mid ah shisheeyaha soo duulay ayaa la kulma weeraro culus oo kaga yimaada dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com