War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in qarax ay ku beegsatay ciidamo Boolis ah xilli ay safaf dhaadheer kujireen gudaha xerada.
“Mujaahidiinta ayaa Qarax xooggan ku beegsaday Maleeshiyaad Murtadiin ah xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskool Boliisiyo” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ka dhalatay qaraxa ay tobanaan askari gaartay balse Al Shabaab waxay sheegtay in khasaaraha iyo waxa uu ahaa qaraxu ay dib ka faah faahin doonto.
Dhanka kale wararka laga helayo gudaha xerada ee qaraxa ka dhacay waxey sheegayaan iney sii korortay tirada saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada dhimashada iyo dhaawaca kaga noqotay qaraxaasi.
Qaraxan waxaa si gaar ah loola beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat si gaar ah loogu diyaarinayay munaasabada waxey Ridada ugu yeerta maalinta aas aaska Booliska maalintaasi oo ay naga xigta wax ka yar Todobaad.
Calamada.com