Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi qarax culus lagula beegsaday askarta Saliibiyadda Mareykanka ee duulaanka ku joogta dalkaasi.
Weerarkan qaraxa ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Jalalabaad ee xarunta gobalka Nangahaar ee Bariga dalka Afghaanistan,iyadoona qaraxaasi khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay askarta Mareykanka.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa lagu dilay Labo askari oo American ah tiro kalane waa lagu dhaawacay kuwaasi oo dhaawacyadooda ay culusyihiin,sidoo kale waxaa jirta khasaara Hantiyadeed oo askarta American-ka kasoo gaartay qaraxaasi.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli bishii lasoo dhaafay ee Rabiicul Awal weeraro kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka Afghanistan lagu dilay ugu yaraan Sagaal askari oo Amercan ah laguna dhaawacay tiro kale.
Calamada.com