Wararka ka imaanaya Wadanka Filibiin ee dhaca Qaaradda Asia ayaa sheegaya in boqolaal ay ku dhinteen Duufaan fatahaado iyo daad wadata.
Maamulayaasha wadanka Filibiin waxay sheegeen in ugu yaraan 100 qof ay dhinteen boqolaal kalane lala’yahay kadib markii Duufaan laayaan ah ay ku dhufatay gobollada Koonfurta dhaca.
Duufaanta Tambine oo saacaddiiba jareysa 80KM ayaa saameyn ba’an ku reebtay kumaan kun oo qoys, sarkaal u hadlay guddiga gurmadka degdegga ah ee Filibiin ayaa sheegay iyo boqolaal qof lala’yahay kadib markii dhulka dhoobada ah uu la go’ay.
Wabiyada waaweyn ee wadanka ayaa iyana bilaabay in ay ku fatahaan magaalooyinka taas oo sababtay in biyaha wabiga iyo kuwa roobku wato ay dadka qaadaan.
Waxaa la saadaalinayaan in khasaaraha dhimashada uu Boqolaal gaaro sababa la xiriira dad badan oo lala’yahay, duufaanta loogu magac daray Tambine ayaa la sheegay in halis gelinayso nolosha Kumanaan qof oo reer Filibiin ah.