Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen Wazaaradda Gaashaandhiga oo fariisin iyo xarun weyn u ah saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Dagaalkan ka dhacay Dhismaha Wazaaradda Gaashaandhiga waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Warar hoose oo laga helayo xarunta Wazaaradda Gaashaandhiga waxey sheegayaan iney jirto khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay xaruntaasi.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Farmaajo oo ah hogaamiyaha kooxda Ridada uu sheegay in Wazaaradda Gaashaandhiga uu ka dhiganayo Saldhigiisa ama xaruntiisa Labaad Balse dagaalka ayaa fashil ku ah qorshihii Farmaajo maadaama xarunta Wazaarada Gaashaandhiga ee xarunta Labaad uu ka dhigtay si uu ugu badbaado la weeraray.
Dagaalka lagu qaaday xarunta Wazaarada Gaashaandhiga ayaa kusoo aadeysa xilli maalintii Shalay madaafiic xoogan lagu garaacay xarunta kowaad ee maamulka Farmaajo oo ah xarunta Madaxtooyada madaafiicdaasi oo sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay Murtadiinta iyo Kufaarta ku sugan gudaha xaruntaasi.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.