Wararka laga helayo gobalka Helmand ee Konfurta dalka Afghanistan waxey sheegayaan in dagaallo culus oo maalmo xiriir ah socday ay ka dhaceen degmada Maarjah ee gobalkaasi.
Dagaaladan oo socday inka badan muddo Kow iyo Toban Maalmood oo xiriir ah waxa uu gudaha magaaladaasi ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo sidoo kale maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul oo garab ka helaya ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Marjah waxey sheegayaan in dagaaladaasi khasaara culus lagu gaarsiiyay maamulka daba dhilifka Kaabul kaasi oo dagaaladaasi ku waayay saraakiil iyo askar fara badan.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa xaqiijiyay in dagaaladaasi ay ku dileen (72) Todobaatan Iyo Labo Askari oo ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul ayna ku jiraan Shan Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ciidanka ee maamulkaasi.
Sidoo kale dagaaladan waxaa lagu dhaawacay (33)Soddon Iyo Saddex askari waxeyna ciidamada Mujaahidiinta dagaaladaasi ku burburiyeen(13)Saddex Iyo Toban gaari waxeyna soo furteen Hal gaari oo noocyada dagaalka ah.
Dhanka kale Guutada Madaafiicda Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ugu weyn ee ciidamada Saliibiyadda Mareykanka ay ka sameysteen gudaha dalka Afghanistan kaasi oo ku yaala degmada bagram ee gobalka Barwaan ee Waqooyga Afghanistan.
Madaafiicda oo ku dhacay gudaha Saldhiga ayaa sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay ciidamada Saliibiyadda Mareykanka ee ku sugan gudaha saldhigaasi.
Calamada.com
Allaaahu akbar wlilhl xamdu