Qarax Culus ayaa ka dhacay degmada Buul burte oo ka tirsan gobalka Hiiraan ee Bartamaha dalka Somaliya,iyadoona faahfaahin Laga helayo qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte,waxaa qaraxa sigaar ah looga beegsaday ciidamada dowlada Ridada Jabuuti iyo maleeshiyaatka maamulka Ridada Farmaajo oo goobta ku wada sugnaay.
Dhawaaqa qaraxan Miino waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Buulo burte iyo qeybo ka mid ah duleedka degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa lagu dilay Hal askari oo Jabuutiyaan ah iyo Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Hirshabeelle,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay Afar askari oo Labo ka mid ah ay Jabuutiyaan tahay.
Maalmo Ka hor ayey aheed markii qarax ka dhacay Buula Burde lagu dilay ciidamo Jabuutiyaan ah,Sidoo kale Todobaad ka hor ayeey aheed markii ku dhawaad shan askari oo jabuutiyaan ah ay ku dhinteen qarax lagula beegsaday gudaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.
Calamada.com