Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir waxaa weerarka lala beegsaday saraakiil ka tirsan dowlada Ridada.
Rag hubeysan ayaa qeybo ka mid ah degmada Xamarweyne ku dilay Labo sarkaal oo ka tirsan qeybta Nabadsugidda dowlada Ridada Farmaajo,waxeyna ragga hubeysan rasaas hubiyeen labada sarkaal taasi oo sababtay in saraakiishaasi isla goobta ku Quurbaxaan.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa soo gaaray maleeshiyaatka Nabad sugida dowlada kuwaasi oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa goobta dilkan qorsheysan uu ka dhacay waxeyna ugu dambeyntii goobta ka qaateen Meydadka Labada sarkaal ee laga dilay.
Mas’uuliyadda howlgalkan qorsheysan ee lagu dilay Labadan sarkaal waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,habeenkii xalay ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ay ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen dhismaha Warshadii hore Nacnaca ee degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.
Allah xafido mujaahidinta meelkastoo aay joogaaaan
لاحول ولاقوة الابالله
هذا بهتان عظيم