Markii ugu horraysay Taariikhda Magaalada Tooratooroow ee gobolka Sh/Hoose ayaa yeelatay Ceel Biyood biya macaan leh arrinkaas oo shacabku si diirran usoo dhaweeyeen.
Degmada Tooratooroow oo qiyaastii 50 KM ujirta degmada Wallaweyn sanadadii lasoo dhaafay waxaa kajiray Barakac ay sameynayeen dadka deegaanka sababa la xiriira biya la’aan baahsan oo magaalada kajirtay.
Ganacsatada deegaanka oo iskaashaday ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in magaalada ay ka dhigaan meel biyo leh oo dadka iyo duunyadu kusoo hiran karaan.
Xassan Dugulle oo kamid ah ganacsatada kasoo jeeda degmada Tooratoorow ayaa ku guuleystay in Ceel biya macaan leh oo ka hirgeliyo magaalada taas oo Tooratooroow siinaysa shacbi dheeri ah maadaama dad kumanaan kun ah ay biya la’aan horay uga barakaceen.
Nolosha dadka magaalada ayaa horay ugu tiirsaneed Biyaha waraha oo gura marka xilli roobaadka laga baxo ee Jiilaalka lagaaro, ganacsade Xassan Dugulle wuxuu sheegay in meel 7 KM ujirta Tooratoorow ay ceel ka qodeen islamarkaana ay tubbooyin ku garaasiiyeen magaalada wuxuuna rajeeyay in 30 maalmood kadib ay dhameystiri doonaan mashruuca Biyaha degelinta Tooratooroow.
Halkan ka degso Warbixin Radio Alfurqaan uu ka diyaariyay Tooratoorow Ama Hoos Ka dhageyso